Connect with us

somalilandtoday.com

Laba nin oo Soomaali ah oo loo xukumay dambiga afduub ee weriye Mareykan ah

focus

Laba nin oo Soomaali ah oo loo xukumay dambiga afduub ee weriye Mareykan ah

Laba nin oo Soomaali ah oo loo xukumay dambiga afduub ee weriye Mareykan ah

Laba nin oo Soomaali ah ayaa loo heystaa dembi ah inay gacan ku lahaayeen afduub Soomaaliya loogu geystay weriye u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo budhcad badeed Soomaali ah ay lacag madax furasho ah ka qaateen.

Dacwad oogayaal Mareykan ah ayaa sheegay in labada nin ee Soomaalida ah lagu helay danbi ah inay gacan siiyeen kooxo budhcad badeed Soomaali ah oo madax furasho ka qaatay Weriye Mareykan ah oo u afduubnaa muddo laba sanno iyo bar ah.

Mid ka mid ah labada nin ee Soomaalida ah ayaa haysta dhalashada Mareykanka, sida lagu shaaciyey warbixin ay ka qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ayaa lagu kala magacaabaa labada nin ee Soomaalida ah ee dembigaan loo heysto, waxayna xeer-beegtida heer federaal ee dowladda Mareykanka badhtamihii bishii Febraayo soo bandhigtay cadeymo muujinaya in labada nin ay Weriya shir-qooleen.

Weriyahaas oo lagu magacaabo Maykal ayaa dhalasho ka heysta Mareykanka iyo Jarmalka, waxaana lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu howlo shaqo u yimid Soomaaliya sanadkii 2012-kii.

Inkastoo weriyahaas uu ka shaqeynayey warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka, hadana wuxuu waday cilmi baadhis ku saabsan arrimaha budhcad badeeda Soomaalida, sidaas ayuuna ku yimid magaalada Gaalkacyo oo laga afduubtay.

Xiligaas afduubayaasha ayaa dalbaday 20 milyan oo dollar, waxayna baahiyeen muuqaalka weriyaha ee hub culus loogu hanjabayo.

Sanadkii 2014-kii ayaa weriyaha lagu sii daayey lacag madax furasho ah oo qoyskiisa ay bixiyeen, taas oo gaareysay 1.6 milyan oo dollar, wuxuuna dib ula midoobey reerkiisa.

More in focus

To Top