Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, inkastoo saaka subixii hore sida wararku sheegayaan la maqlay rasaas aan sidaa u badneyn, haddana jawiga guud ee magaalada waa mid caadi ah.
Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa dhexdhexaadin ka dhex billowday Soomaliland iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC, si loo soo afjaro coladda halkaa muddaba ka taagan.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo markii hore Hargeysa soo maray isla markaana la soo kulmay madaxda Somaliland kalana soo hadlay sidii xabbad joojin loo sameyn lahaa ay Garoowe gaadheen, halkaa oo sidoo kale ay kula kulmeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka yimid magaalada Laascaanood.
Mas’uuliyiintan ka socday Itoobiya, ayaa dhinacyadan kala hadlay in marka hore xabadda la joojiyo si markaa kadib loo sii wada hadlo.
Afhyeenka guddiga 33-da xubnood ah ee aayo-ka tashiga Dhulbahante, Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug, ayaa BBC-da u sheegay in ay aqbleen dhankooda in xabadda la joojiyo marka hore si colaadda nabad loogu beddelo.
“Waxay soo jeediyeen in xabbad-joojin la sameeyo, sida ay noo sheegeenna waxay isla soo qaateen Muuse Biixi iyo maamulkiisa arrintaa,” ayuu yidhi Cabdirisaaq Maxamed.
Odayaasha dhaqanka ee Laascaanood ayaa ka ballan qaaday wafdiga ka socday dowladda Itoobiya in ay dhankooda diyaar u yihiin dhaqan galinta qodobka lagu heshiiyay ee ah xabad joojinta.
Wuxuu sheegay in madax dhaqameedka Laascaanood ay muhiimadda siinayaan xabbad joojinta oo ay door bidayaan sidii dadka ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laaban lahaayeen guryahooda.
Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug ayaa intaa raaciyay “Xabbad joojintu haddii ay dhaqan gasho wada hadalka ayaa sahlanaanaya waana in la xisaabtamo”
Wuxuu rajo ka muujiyay in dadaalladan ay horseedaan in la soo afjaro colaadda Laascaanood oo maalmihii ay socotay sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakc badan.
“Innagu dhanka yaga in ay boqolkiiba boqol ka hirgasho nabaddu waan rajeynaynaa,“
Inkastoo dhanka Somaliland aan faah-faahin badan oo ku saabsan wafdiga Itoobiya laga haynin haddana arrintaan ayaa u muuqata mid wax ka baddeli karta dagaalka Laascaanood haddii ay dhaqan gasho xabbad joojinta loo jeediyay dhinacyadu in ay sameeyaan.
Hore xukuumadda Somaliland ayaa ugu dhawaaqday xabbad joojin hal-dhinac ah balse taasi ma shaqeyn oo dagaalladu way sii socdeen iyadoo dhinacyaduna isku jeedinayeen eedo ku saabsanaa jabinta xabbad joojintaas.