Connect with us

somalilandtoday.com

3 Nin Oo Soomaali Ah Oo Lagu Xidhay Dalka Zambia Iyo Sababta Keentay Oo La Ogaaday

focus

3 Nin Oo Soomaali Ah Oo Lagu Xidhay Dalka Zambia Iyo Sababta Keentay Oo La Ogaaday

3 Nin Oo Soomaali Ah Oo Lagu Xidhay Dalka Zambia Iyo Sababta Keentay Oo La Ogaaday

3 nin oo Soomaali ah oo aan haysan wax dukumenti ah ayaa lagu qabtay dalka Zambia maalintii salaasada ee la soo dhaafay (Feb. 28).

Warbaahinta dalkaasi ayaa waxaa ay shalay oo Arbaca ahayd qoreen in Raggaasi ay qabteen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Hay’adda socdaalka ee degmada Isoka ee Gobalka Muchinga ee dalkaasi, una dhow Xuduudka ay Zambia la wadaagto dalalka Tanzania iyo Malawi.

Ragga Soomaalida waxaa lala qabtay Muwaadin Ethiopian iyo Dareewal Zambian 43 jir ah.

Ciidanka waaxda Socdaalka Zambia ee jooga Barta  Kontorool Mwaiseni Checkpoint  ayaa qabtay Shanta qof, kadib markii si hoose loogu sheegay in laba Soomaali ah iyo Nin Ethiopian  ah lagu soo dhex qariyey Gaadhi Volvo ah oo Shixnad Alwaax ah siday, kana diiwaan gashan dalka Zambia.

Baadhitaan Guud oo lagu sameeyey Gaadhigaasi isjiidka ahaa ayaa laga soo dhex qabtay Ragga Soomaalida iyo Ninka Ethiopianka, waxaana iyaga iyo Dareewalkii lagu xidhay Saldhiga Boliska ee  Isoka Police Station ee dalkaasi.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa isla barta Kontoroolka Waaxda Socdaalka ee Degmadda Isoka ee dalka Zambia lagu qabtay  3 soomaali ah iyo Nin Kenyan asalkiisa Soomaali ah, waxaana lagu xukumay Ganaax Lacageed oo min 7,000 ee Lacagta Kwacha money ee laga isticmaalo dalkaasi.

More in focus

To Top