210 qof ayaa ku nafwaayay colaada Laascaanood, 680 kalena, way ku dhaawacmeen, sida maayirka magaaladu uu warbaahinta u sheegay, waxa kale oo uu ku baaqay in magaalada laga fogeeyo ciidanka Somaliland iyo xoogaga kaleba.
Maayarka Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka, isaga oo sheegay in boqolaal qof ku dhinteen, isla markaana ay kumanaan qof ku barakeceen.
“Waxa ku dhintay dad shacab ah oo gaadhaya 210, waxa dhaawacmay 680 qof, waxa barakacay 200,000 oo qof , waxa burburay 715 guri, waxa xidhmay 16000 oo ganacsi, waxa la jaray biyihii, waxa la weeraray xaruntii laydhka” Ayuu yidhi Cabdiraxiin.
Waxa uu sheegay in ay dhibaato soo gaadhay xafiisyada xukuumada, iyo cisbitaalka wayn ee Laascaanood oo qaybo kamid ahi burbureen.
Mayaarka oo ku hadlayay afka golaha deegaanka, ayaa soo jeediyay 3 qof oo uu sheegay in ay ka gola deegaan ahaan u arkaan in lagu nabadayn karo magaalada Laascaanood.
“Waxaanu soo jeedinaynaa in ciidamada Somaliland laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, in shacabka hubaysan laga saaro magaalada gudaheeda, in gargaar bini’adamnimo lasoo gaadhsiiyo dadkii dhibaatadaasi saamaysay” ayuu yidhi maayar Cabdiraxiin.