Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka arrimaha debedda Masar oo 10 sanno ka dib booqday dalka Suuriya

focus

Wasiirka arrimaha debedda Masar oo 10 sanno ka dib booqday dalka Suuriya

Wasiirka arrimaha debedda Masar oo 10 sanno ka dib booqday dalka Suuriya

Wasiirka arrimaha debedda ee dalka Masar ayaa la kulmay madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Asad iyo wasiirka arrimaha debedda ee Turkiga, ka dib markii uu booqasho ku tegey Suuriya iyo Turkiga, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horraysay ee diblomaasi sare oo dalkaas ahi uu ku tago muddo toban sanno ah.

Bashaar al-Asad ayaa fursad taageero ah ka helay dalalka Carabta, tan iyo markii uu dhulgariirku ka dhacay dalkiisa Suuriya iyo dalka Turkiga bishan, taasoo gacan ka geysatay inuu yaraado go’doonkii diblomaasiyadeed ee dalka Suuriya lagu soo rogay, ka dib markii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen dalkaas sannadkii 2011.

Wasiirka arrimaha debedda ee Masar ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkani inay tahay, hawlaha bini’aadanimada iyo in garab istaag loo muujiyo shacabka Suuriya.

Wasiirka arrimaha debedda ee Masar ayaa u sheegay telefiishan laga leeyahay dalka Masar, in sidoo kale uu safarkani bidhaaminayo, rabitaanka in dib loo hagaajiyo xidhiidhka labada dal.

Masar ayaa ugu deeqday shacabka Suuriya ee waxyeelladu ka soo gaadhay dhulgariirka, illaa 1,500 oo ton oo gargaar ah, taas oo ay si buuxda uga wada shaqaynayaan xukuumadda Suuriya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa hakiyey xubinimadii Suuriya, sannadkii 2011 ka dib markii ay xukuumadda dalkaasi gacan adag kala hortagtay debedbaxayaashii, sidoo kale dalalka Carabta ee gacan saarka la leh Maraykanka ayaa iyaguna taageeray mucaaradka dalkaas.

More in focus

To Top