Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Erdogan Oo Cafis Dalbaday

focus

Madaxweyne Erdogan Oo Cafis Dalbaday

Madaxweyne Erdogan Oo Cafis Dalbaday

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii dalbaday in laga cafiyo dib u dhacyada samata-bixinta, xilli uu booqday mid ka mid ah goobaha uu sida darran uu ugu dhuftay dhul-gariirkii dalkaas ka dhacay bishan horraanteeda.

Erdogan, oo raadinaya muddo xileed kale oo xilka madaxweyne ah kadib labaatan sanno uu awoodda hayey, ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay dadka ka badbaaday dhul-gariirka ee magaalada Adiyaman ee koonfurta-bari.

Doorashadii 2018, Erdogan ayaa si xooggan mucaarada ugu garaacay gobolkaas.

“Saamaynta ba’an ee dhul-gariirkii iyo cimilo-xumada awgeed, ma aanan awoodin in aan sidii aanu doonaynay ugu shaqayno magaalada Adiyaman maalmihii ugu horreeyay, raali galin ayaan ka bixinayaa arrintan,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.

Dhul-gariirkii 6-da February ayaa Turkey ku dilay in ka badan 44,000 oo qof, halka kumanaan kalena ay ku dhinteen dalka deriska la ah ee Syria.

Wakaaladda wararka AFP ayaa 10-kii February werisay cadhada dadka Adiyaman ee ku waajahan dowladda.

“Qofna ma arag illaa 2:00 pm ee maalinkii xigay dhul-gariirka,” waxaa xilligaas sidaas AFP u sheegay Mehmet Yildirim oo degan Adiyaman.

“Dowlad ma lahan, qaran ma lahan, boolis ma lahan, askar ma lahan. Ceeb idinku dhacday. Waa nagu daawateen,” ayuu yidhi.

Dhul-gariirka ayaa yimid xilli uu Erdogan sii helayey taageero, islamarkaana ay sare u kaceen shacabka ku qanacsan howshiisa, kadib muddo hoos u dhac uu ku yimid sababo la xidhiidha xasaradda dhaqaale ee sannadkii tegay.

Waxyar kadib markii dhul-gariirka uu dhacay, Erdogan ayaa qirtay “gaabis” dhanka dowladda ah oo ku saabsan sida ay ula tacaashay musiibada.

More in focus

To Top