Connect with us

somalilandtoday.com

Hay’adda Caalamiga ah ee ICRC oo sheegtay inay 150 qof ku dhinteen dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood

focus

Hay’adda Caalamiga ah ee ICRC oo sheegtay inay 150 qof ku dhinteen dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood

Hay’adda Caalamiga ah ee ICRC oo sheegtay inay 150 qof ku dhinteen dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa sheegtay in iskahorimaadka dhex maray ciidamada ammaanka Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ay ku dhinteen 150 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 600 oo kale tan iyo 6-dii Feberaayo.

Jurg Eglin, oo ah madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan caqabad lahayn loo gaadhsiiyo gargaar bini’aadantinimo dhibanayaasha.

“Dadka ku nool Laascaanood waxay si deg-deg ah ugu baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, waxaana ku dadaalaynaa sida ugu dhaqsaha badan inaan u gaadhsiinno,” ayuu Eglin ku yidhi, isagoo xusay in khilaafka siyaasadeed aanu marnaba hor-istaagi doonin badbaadinta nolosha.

Hay’adda samafalka ayaa sheegtay in kumannaan ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay iska horimaadyada ay la kulmeen xaalado adag kaddib markii ay ka carareen guryahoodii.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in in ka badan 60,000 oo Soomaali ah, oo u badan haween iyo carruur, ay u qaxeen gobolka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka dib iskahorimaadyada.

Eglin wuxuu sheegay in ICRC oo ay weheliso Ururka Bisha Cas ee Soomaaliya (SRCS) ay taageero siinaysay cisbitaallada maxalliga ah si loo daadgureeyo loona daweeyo dhaawacyada.

More in focus

To Top