Connect with us

somalilandtoday.com

Waa markii labaad ee taariikhda Madaxweyne Muuse uu ku qormayo dagaal sokeeye oo dhiiga walaaluhu ku qubto

focus

Dagaal Sokeeye, waa erey leh qeex iyo macne aanu madow ku jirin; waa dagaal u dhexeeya dawlad iyo qayb ka mid ah dadkeeda, ama waa colaad iska hor imaad keentay dad is ah oo dal iyo dawladnimo midayso.

Qof kasta oo aaminsan in dagaalka Laacaanood aanu dagaal sokeeye ahayn, waa qof rumaysan in ‘Dhulbahante’ aanu reer Somaliland ahayn. Markaas yaanu far ku gabbed noqon ee badheedhihiisa ha dhiibto.

Haddaba, waxaa ayaan darro weyn oo sooyaalka geli doonta ah, in ay tahay markii labaad ee taariikhda Madaxweyne Muuse uu ku qormayo dagaal sokeeye oo dhiiga walaaluhu ku qubto, waa mar uu ahaa wasiir qayb ka ah talada dalka iyo maanta oo uu isagu gacanta ku hayo go’aanka ugu danbeeya ee dalka.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi

More in focus

To Top