Connect with us

somalilandtoday.com

Gabadh Soomaali Ah Oo Si Arxan-darro Ah Loogu Dilay Masar

focus

Gabadh Soomaali Ah Oo Si Arxan-darro Ah Loogu Dilay Masar

Gabadh Soomaali Ah Oo Si Arxan-darro Ah Loogu Dilay Masar

(SLT-Qaahir)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil gabadh Soomaali loogu geystay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Caasho Abuukar Ibraahim, waxaana ay kamid ahed ardayda Soomaalida ee wax ka barata gudaha waddankaasi

Wararka ayaa sheegaya in dilka gabadhan uu geystay wiil kale oo Soomaali, kaas oo ay ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen ciidammada Booliska ee ka howlgala Qaahira.

Dilka aayaa ka dhacay guri ay marxuumadda ka daganeyd halkaasi, waxaana la sheegay in lagu dilay in cunaha la qabtay, kadibna biyo lagu dhex riday, taas oo xanuun ku reebtay ehellada.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-Faraj ee magaalada Muqdisho, isla-markaana ay hore uga soo baxday marxuumadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida gabadha.

Maamulka ayaa sheegay in marxuumad Caasho ay dalka Masar u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah.

“Bahda Al-Faraj oo isku duuban waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Qaraabada ay kabaxday  Drs Caasha Abuukar Ibraahim Hasan (Abuukar Dheere) oo ku geeriyootay wadanka Masar oo ay u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah,” ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-faraj ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu maamulku alle uga barayey marxuumadda inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyskeeda iyo qaraabadeeda.

“Waxaan Alle ugu baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Familka iyo qaraabada ay ka geeriyootayna Samir iyo iimaan Alle ka siyo. Iyada qabriga ilaah ha uga dhigo beer ka mid ah beeraha janada,” ayaa markae lagu yidhi warsaxaafadeed ka Iskuulka Al-Faraj.

Ma’aha dilkii ugu horreeyay ee muwaadin Soomaali loogu geysto Masar, waxaana jira dhacdooyin hore oo ka dhacay dalkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

More in focus

To Top