Connect with us

somalilandtoday.com

Dhulgariir kale oo ku dhuftay dalka TURKIGA iyo wararkii ugu dambeeyay

focus

Dhulgariir kale oo ku dhuftay dalka TURKIGA iyo wararkii ugu dambeeyay

Dhulgariir kale oo ku dhuftay dalka TURKIGA iyo wararkii ugu dambeeyay

(SLT-Antakya)-Hay’adda musiibada iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay dalkaas abbaaro 20:04 xilliga dalkaas (17:04 GMT), waxaana saddex daqiiqo kaddib xigay mid kale oo lagu qiyaasa 5.8.

Saddexda dhimasho ayaa ka dhacday Antakya, Defne, iyo Samandag, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Süleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay in ayna gelin dhismooyinka khatarta ku jira.

Soylu ayaa sheegay in 213 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Dadka magaalada Antakya ayaa lagu arkayay waddooyinka iyagoo naxdin ay ka muuqato iyadoo ambalaasyada iyo shaqaalaha gargaarka ay isku dayayaan inay gaadhaan meelaha ugu daran ee dhulgariirku saameeyay.

“Waxaan moodayay in dhulku uu kala go’ayo lugaheyga hoostood,” ayay tidhi haweeney deggan magaalada oo lagu magacaabo Muna al-Omar, iyadoo ooyaysa korna u heysa wiilkeeda oo toddoba jir ah. Waxay ku sugneyd teendho laga dhisay meel ay dadku ku nastaan oo badhtamaha magaalada ku taalla.

Cali Mazlum, oo 18 jir ah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inuu baadi goobayay meydadka xubnaha qoyskiisa ee ku dhintay dhulgariirradii hore.

Gudaha Suuriya, ilaa 470 qof ayaa la sheegay inay booqdeen cisbitaallada kaddib dhulgariirkam oo sidoo kale laga dareemay gudaha Masar iyo Lubnaan.

Musiibadan labaad ayaa timid maalin ka dib markii ay hayadda musiibooyinka ee Turkiga ku dhawaaqday in lasoo afjaray howlihii gurmadka ee ka socday dalkaas marka laga reebo laba gobol.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa si aan kala joogsi lahayn u shaqeynayay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay iyagoo burburka hoostiisa kasoo saaray dad saacado badan ku xannibnaa dhul gariirka ka dib.

Inta aanu iman dhul gariirka labaad waxaa raadinta dadka laga waday gobollada Kahramanmaras iyo Hatay, sida uu sheegay madaxa hayadda qaran ee musiibooyinka.

Rajo badan lagama qabo in la helo dad ku xayirmay dhul gariirkii hore oo weli nool.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa gaadhay Turkiga isagoo ku dhawaaqay in dalkiisu uu bixinayo lacag gargaar bani’aadannimo ah oo dhan $100m (£83m).

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay sare usii kacdo iyadoo ilaa 345,000 oo guri ay ku burbureen dhul gariirkii dhacay 6-dii February.

Turkiga iyo Suuriya labaduba ma sheegin tirada dadka ilaa hadda la la’yahay.

More in focus

To Top