(SLT-Hargeysa)-Dagaal culus ayaa lagu soo warramayaa in uu saaka ka socdo magaalada Laascaanood, goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka maanta ka culus yahay kii dhacayay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay.
Ergadii nabadda ee shalay Hargeysa ka baxay ayaa xalay u howday Caynaba halkaas oo la filayo in ay maanta ka sii baxaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa qoraalkan ka soo saartay dagaalka saaka ka socda magaalada Laascaanood waxa ay ku tidhi sida tan:
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ka duulaysa xabad joojintii ay ku dhawaaqday, taageeraysana Ergada Nabada ee sugan Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka Somaliland, ayna muuqato rajo fiican oo laga qabo in guul laga gaadho colaada Magaalada Laascaanood.
Hadaba si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celinaysaa in loo hogaasamo xabad joojinta, lana aqbalo Ergada Nabada ee ku Sugan Gobolka Sool.”
Dhan kale Garaad Cabdikariim Cali Nuur, ayaa isaguna sheegay in saaka Ciidamada Somaliland dhawr aag ka soo weerareen magalaada Laascaanood, Garaadka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada deegaanku isdifaaceen.
Garaadku waxa kale oo uu sheegay in madaafiic lagu garaacay magaalada islamarkaana ay ku dhaceen guryo gurigiisu ku jiro.