Connect with us

somalilandtoday.com

Kaneeco Halis Ah Oo Lagu Arkay Soomaaliya

focus

Kaneeco Halis Ah Oo Lagu Arkay Soomaaliya

Kaneeco Halis Ah Oo Lagu Arkay Soomaaliya

Cilmi-baadhayaal u dhashay Kenyan ayaa helay kaneeco kasoo duushay Koonfurta Aasiya taas oo u adkaysata dawooyiinka lagu isticmaalo Afrika.

Kaneecadan oo markii ugu horreysay laga helay dalka Jabuuti toban sanno ka hor, ayaa waxaa lagu arkay dalalka Itoobiya, Suudaan, Soomaaliya iyo Nigeria.

Khubarrada caafimaadka waxa ay ka digayaan inay horseedi karto korodhka kiisaska kaneecada.

Sannadkii hore ayay aheyd markii saynisyahanada adduunka ay sheegeen in ay hayaan caddaymo cusub oo muujinaya in nooc ka mid ah kaneecada faafisa cudurka kaneecada oo ka timid qaaradda Aasiya ay ku faafeyso qaaradda Afrika, halkaasi oo ay khatar “gaar ah” ku keeni karayso tobanaan milyan oo qof oo deggan magaalooyinka.

Afrika, oo laga diiwaan geliyay in ka badan 95 % dhimashada uu sababay cudurka duumada oo gaadhay 627kun oo qof adduunka oo dhan sannadkii 2020-kii, ayaa kaneecadu waxay inta abdan ku faaftaa deegaananda miyiga fog ku yaalla oo ay ku badan tahay kaneecada Anopheles gambiae.

Kaneecada Anopheles Stephensi, oo muddo dheer ahayd mid cudurka duumada ugu weyn ee ku faafiso magaalooyinka waddaamda India iyo Iran, ayaa hadda la leeyahay waxay ku tarmi kartaa meelaha biyaha lagu keydsado ee magaalooyinka, taasi oo la micno ah in ay tarmi karto xilliyada abaaruhu xitaa ay jiraan.

Waxa kale oo ay u adkaysi u leedahay sunta cayayaanka lagu buufiyo ee sida caadiga ahi loo isticmaalo.

Cilmi-baadhis la sameeyay 2020 ayaa lagu ogaaday in haddii nooca kaneecada ee Anopheles Stephensi ay si weyn ugu faafto Afrika, in in ka badan 126 milyan oo qof oo ku nool 44 magaalo ay halis ugu jiraan cudurka kaneecada.

More in focus

To Top