Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Laga Samray Oo Iyagoo Nool 11 Maalmood Kadib Laga Soo Saaray Burburka Turkiga

focus

Dad Laga Samray Oo Iyagoo Nool 11 Maalmood Kadib Laga Soo Saaray Burburka Turkiga

Dad Laga Samray Oo Iyagoo Nool 11 Maalmood Kadib Laga Soo Saaray Burburka Turkiga

(SLT-Ankara)-Kooxaha samata bixinta ee Turkiga ayaa saddex nin ka soo saaray burburka hoostiisa, kadib 11 maalmood oo ay halkaa ku go’doonsanaayeen dhulgariirkii dalkaas ka dhacay awgii.

Hakan Yasinoglu ayaa 278 saacadood ku hoos jiray dhismo gebi ahaanba dumay, waxaana Jimcihii laga soo badbaadiyay gobolka Hayat oo ah meesha uu khasaaraha ugu badan ka dhashay.

Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Osman Halebiye iyo Mustafa Avci oo 34 jir ah ayaa laga soo badbaadiyay burburka ka dhacay gobolka Antakya.

“Waan ka rejo belay. Tani waa arrin mucjiso ah,” ayuu yidhi Mustafa Avci aabihii oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mustafa oo saacado ka hor dhulgariirka ay gabadh u dhalatay ayaa loo qaaday cisbitaal ku yaalla magaalada Mersin ee dhacda Koonfurta Turkiga. Ka hor inta aan la qaadin ayaa wicitaan muuqaal ah lagu tusay inantiisa yar.

Xaaskiisa Bilge Avci oo umul ah ayaa markii uu dhacay dhulgariirka waxaa u suuragashay inay la baxsato ilmaha yar, hase yeeshee Mustafa ayaa ku xanibmay dhismaha, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Samata bixintan ugu dambeysay ayaa ku soo aadaysa xilli tirada dadka ku dhigtay dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ay kor u dhaaftay 41,000 oo qof. Waxaa la filayaa in tirada dhimashada ay intaa ka badan doonto.

More in focus

To Top