Waxa uu si fudud u fahmay sirta ganacsiga casriga ah: Xal u hel dhibaatooyinka taagan.
Aadit Palicha oo Hindi ah ayaa muddo kooban ku gaadhay guul ganacsi oo ka yaabisay dad badan.
Aadit Palicha iyo saaxiibkii Kaivalya Vohra ayaa badhtamihii 2021 sameeyay shirkad khudaarta dadka ugu geysa guryaha oo lagu magacaabo Zepto.
Waxa ay ballanqaadeen in adeegooda uu muddo 10 daqiiqo ah ku geynayo khudaar kasta oo looga baahdo.
Shirkadda Zepto oo haatan qiimaheedu ku dhaw yahay hal bilyan oo dollar ayaa lagu tilmaamay tan ugu kobaca ballaadhan guud ahaan Hindiya.
Palicha iyo saaxiibkii Vohra ayaa intii uu socday Covid-19 billaabay inay ka baaraandegaan qorshe ganacsi. Waxa ay ku noolaayeen magaalada Mumbai ee Hindiya.
“Maadaama xayiraad la soo rogay Covid-19 awgii, waxaa dadka ku adkaaday inay helaan waxyaabaha daruuriga ah. Inta badan dukaamaha caadiga ah ayaa xidhnaa, halka kuwa online-ka ah ay maalmo ku qaadan jirtay inay adeegga geeyaan guryaha,” ayuu Palicha sheegay
Waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibkii marka ay arkeen dhibaatada taagan ay uga dhex muuqatay fursad ganacsi.
“Waxaan aragnay jaarkayaga oo dhibaato badan ku qaba helitaanka khudaarta iyo adeegga kale, kadib waxaa nagu dhalatay fikrad ah in aan sameyno shirkad si degdeg ah dadkaas ku gaadhsiin karta adeegyada ay u baahan yihiin, waana sida ay ku billaabatay Zepto,” ayuu yidhi Palicha.
“Ku gaadhsii 10 daqiiqo”
Zepto ayaa si ka duwan shirkadaha kale waxa ay macaamiisheeda u ballanqaaday in adeegga ay dalbadaan lagu gaadhsiin doono 10 daqiiqo gudahood.
“Waxaan heshiis la galnay dukaamo badan oo dalka ku yaalla, waxaana macaamiisha adeegyadooda ku gaadhsiinaa 10 daqiiqo gudahood,” ayuu Palicha sheegay.
Marka uu macmiilka galo app-ka Zepto, waxaa u soo baxa noocyada kala duwan ee alaabaha, waxaana markiiba ay isku xidhaa macmiilka iyo dukaanka ugu dhaw ee haya dalabkiisa.
Dukaamada ayaa ah kuwo si gaar ah loogu tababaray hawshan, waxaana dalabka lagu diyaariyaa oo qofka loogu geeyaa wax aan ka badneyn 10 daqiiqo.
“Waxaa noo shaqeeya shaqaale si wanaagsan u kala yaqaana wadooyinka oo muddo aad u kooban ku gaadhi kara guryaha soo dirsada dalabaadka,” ayuu yidhi Palicha.
Ka hor inta aanay billaabin shirkadda Zepto, Palicha iyo saaxiibkii ayaa tijaabiyay fursadaha iyo caqabadaha ka hor iman kara, waxaana markaa kadib ay ku dhaqaaqeen hirgelinta ganacsigaas.
Shirkadda Zepto ayaa hadda ka shaqeysa magaalooyinka waaweyn ee Hindiya, waxaana u shaqeeya in ka badan kun shaqaale oo xafiisyada fadhiya iyo ku dhawaad toban kun oo qof oo adeegyada geeya guryaha.
Palicha ayaa ku adkeysanaya in shirkadooda aan weli lagu tilmaami karin mid guulaysatay.
“Xaqiiqadu waxa ay tahay in aan haatan ku dhawaaqi karin in shirkadda ay gaadhay guushii ugu sarreysay. Ilaa inta aan ka noqoneyno shirkad ay faa’iidadeedu ballaadhan tahay oo dadweynuhu ay saami ku leeyihiin, waan ka taxadari doonnaa in aan guul sheeganno,” ayuu yidhi 20 jirkan malaayiinta dollar haysta.