Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkadda Fly Dubai Oo Ku Dhawaaqday Inay Duulimaadyo Maalinle Ah Ku Tagayso Magaalada Muqdisho

focus

Shirkadda Fly Dubai Oo Ku Dhawaaqday Inay Duulimaadyo Maalinle Ah Ku Tagayso Magaalada Muqdisho

Shirkadda Fly Dubai Oo Ku Dhawaaqday Inay Duulimaadyo Maalinle Ah Ku Tagayso Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa maanta ku dhawaaqday inay billowday duulimaad maalinle ah oo ay ku tagi doonto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga bilaabo 9-ka March sannadka 2023-ka.

Shirkaddu waxay sheegtay inay doonayso in Soomaaliya ay si toos ah ugu xidho Dubai iyo Imaaraadka Carabta.

Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee flydubai, ayaa yidhi: “Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay.

Masuulkan wuxuu sheegay in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kicin doonaan dhaqaalaha islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga.

Shirkadda Fly Dubai waxay sidoo kale sheegtay inay ballaadhisay shabakadeeda Afrika ilaa 11 goobood, taasoo siinaysa rakaabka Imaaraadka iyo gobolkaba ikhtiyaarro ku habboon safarkooda.

Shirkadda meelaha ay isku ballaadhisay waxaa ka mid ah Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.

Waxa xusid mudan in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay shirkadda Fly Dubai u diiday inay duulimaadyo maalinle ah ku timaado magaalada Hargeysa, balse ay u ogaalatay inay toddobaadkii maalmo kooban safar ku timaado Hargeysa, taasi ay dadka qaarkood ku macneeyeen in cid kale loogu danaynayay balse ay fursad weyn u ahayd Somaliland.

More in focus

To Top