Connect with us

somalilandtoday.com

Dhimashada Dhul-gariirkii Turkiga Oo Kor U Dhaaftay 41,000

focus

Dhimashada Dhul-gariirkii Turkiga Oo Kor U Dhaaftay 41,000

Dhimashada Dhul-gariirkii Turkiga Oo Kor U Dhaaftay 41,000

Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa salaasadii shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirkii xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya.

Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sanno jir. Labaduba waxaa laga soo saaray guri dabaq ah oo ka mid ah guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye.

Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabadh iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood.

Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa.

Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000.

Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran.

More in focus

To Top