Connect with us

somalilandtoday.com

Faahfaahin Ku Saabsan Dagaalkii Xalay Ka Dhacay Laascaanood

focus

Faahfaahin Ku Saabsan Dagaalkii Xalay Ka Dhacay Laascaanood

Faahfaahin Ku Saabsan Dagaalkii Xalay Ka Dhacay Laascaanood

(SLT-Laascaanood)-Xalay ayaa waxaa ciidammada Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ah uu dagaal ku dhex maray magaalada Laascaanood, dagaalkaas oo bilaabmay abaaro sideedii iyo dheeraad fiidnimo ayaa wararku sheegayaan inuu socday qiyaastii laba saacadoo wax ku dhaw.

Ilaa haatan ma jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee ay labada dhinac gorrodda is daraan goor habeenimo ah tan iyo markii dagaalku halkaa ka bilaabmay muddo haatan sagaal maalmood ah.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa haatan dagan.

More in focus

To Top