35 sanno ka hor waxa aan ahaa gaban da’ yar oo hirka keliya ee nolosha uga muuqdaa uu yahay, timaaddo badhaadhe iyo barkhad xambaarsan. Gar baanan u lahaa oo waxa keliya ee ii muuqday ayaa ahaa farxadda ka dhex jirta afarta derbi ee gurigayaga. Nasiidarro se, mar keliya ayaa madaxii dunidaydii yarayd mijo loo rogay.
Maalin salaasa ah, xilli waagii la dhowrayo, ayaa aan ku sasay daryanka madaafiic dayaankooda ay buuraha Hargeysa isu celinayeen, laakiin jiilka iga weyni ilama uu qabin cabsida aan la dubaaxinayey.
Waxa aan xasuustayda ka go’in farxadda ay hooyaday qarsan kari la’ayd iyo raynraynta durbadiiba saaqday aabahay (AHUN) oo nagula joogay fasax uu shaqo Sucuudiga ah kaga yimid. Imika garaadkaygu waa uu garan karaa sababta farxaddaas. Waxa aan xasuusanahay rag kabo qadha iyo labbis cabsi leh gashan oo ku gaashaaman qoryo ay dhan kasta u fiiqayaan. Si naxariis la’aani ka muuqato ayaa habeen badhka inta ay guriga soo galaan, ay meel kasta fatashi jireen. Waxaa maskaxdayda ku xardhan magaca argagaxa abuurayey ee hooyo ugu yeedhi jirtay, marka ay albaabka harraati ku garaacaan, ‘Waa Roondadii’.
Waxa aan arki jiray hooyaday oo habeen kasta cod aad u gaaban ku dhegeysanaysa idaacaddii ay jeclayd ee ‘Radyow halgan’. Waxa ay joogto ugala socon jirtay wararka qolo aan markaas u aqaannay ‘KULMIS’, aanse gadaal ka bartay in ay SNM ahaayeen. Waana kuwa ay habeenkan weerarkooda Hargeysa ku faraxsanayd.
Lama aan yaabi jirin sababta ay hooyaday codka idaacadda u gaabinayso, waayo in badan ayaan ka maqlay iyada iyo Haweenka deriska oo xan isugu sheegaya, guryo ay xuuraanka dawladdu habeennimo daaqadaha ka dhegeysteen.
Waxa aan ogahay in maamul xumada iyo arxandarrada keli talisnimadu ay yihiin, sida dawo suuxdin ah oo inta ay qofka xiskiisa seexiso, ka daboolaysa cawaaqibka colaadaha ka dhasha.
Waa suuxdinta habeenkaas keentay aabo oo khaliijka barwaaqada ku nool ka xoogsanayey iyo hooyo oo ladnaan gurigeeda ku fadhiday, in ay haddana urta baaruudda ku farxaan. Labadayda waalid oo keliya ma’aha ee dadka inta iga weyn oo dhammi, waxa ay filayeen rasaas maalmo yar ku dhammaata iyo badhaadhe dambe oo laga durduuran doono. Ma se’ ay noqon oo dhimbiishii maalintaas qaraxday, dabkeedii illaa maanta waa uu ka shidan yahay jasiirad la moodka Soomaalida oo dhan, waaba haddii aanu ka gudbin xuduudaha geyiga Soomaaliyeed.
Anigu aan ba’ayga badhkii ka warramo, xabaddii Dhuunta qoriga ka baxday, waxaa ay ii bilowday bog cusub oo xanuun, gaajo, guura bahalayn, cabsi, silic nololeed iyo saxariir badan.
Hoy la’aan uu gudguduhu banka xarshimeed nagu mirto, dhaxanta bannaanada dulcad taalla ee dadkii ka yaabay, dameeraha in ay disho sheegeen, oo dugsi la’aan nagu hesha, iyo waayo aanan ka warrankooda imika u I taal haynin.
Marar baan idhaahdaa, aafadii jiilkaagii heshay, waxa ay ku mutaysananayaan in lagu magacaabo, ‘Facii ayaan-daran’.
Marna maan filayn in ilmo da’daydaas ah ay duruufuhu ku kallifi doonaan in socdaal aan hakad lahayn uu lug ku maro masaafad aan ka yarayn 350 km. Waa socdaal wareeg ah oo ka bilowday Naasa hablood oo Hargeysa ah, jihada hawdna kaga imanaya magaalada Xarshin, kaddib inta uu maro Harta Sheekha u gudbaya Dulcad oo ahayd xeradii qaxoontiga ee aan ku barbaari doono.
Dadka aan ka dhashay, ladnaanta ay haysteen waa tii bartay in qaxoontiga ay u yaqaannaan magaca ‘Caydh’, laakiin markan waa iyagii oo xeryihii caydhu ay magan iyo nolol raaxo leh u noqdeen.
Duruufahaas aan ka warramay nimco lagu dakeeyo ayaa ay noqon lahaayeen, haddii aanay raad kaga tegi lahayn noloshaydii dambe oo dhan. Waxbarashadii oo burburtay, tobannaan jeerna u kala guurtay manhajyo ku qoran Af Amxaari, Carabi, Soomaali iyo, Ingiriisi oo dugsi hoose / dhexe kaddib, aad suuqa is waajahaysaan. Waa sababta keentay in aniga oo ku dhowaad 10 sanno shaqaynayey aan shahaadada koowaad ee jaamacada helo, xilli ubadkaan dhalay ay arday yihiinna aan Master dirqi ku haabhaabto.
Waan se ayaan badnaa anigu!, saaxiibbo badan ayaa colaaddaas ama cawaaqibkii ka dhashay ku naf waayey ama laxaadka beelay, Tobannaan facaygii ah oo daroogada bartay ayaan aqaannaa, tiro la mid ah oo nolol taydii dhaanta raadinaya, ayaa bahalaha biyo ku noosha ahi, ay badaha ku calafsadeen. Waxaa ka sii xanuun badan, tiro kale oo duruufa qof looga warramay aanu xanuunkooda dareemi karini, ay badeen cudurrada dhimirka, maantana iyaga oo maryaha dhigtay suuqyada wareega.
Sheekadan weli sidii ay mudnayd ugama aan warramin, in aan wax ka qoraana waa lama huraan, waxa se maanta intan I xasuusiyey carruurta rubuc qarni iyo badh kaddib, weli duruufihii kuwo u eeg sabab aan taas hore dhaamin ku mutaysanayaan.
Waxaa murugo igu haya, in dadkayga uu weli hormuud u yahay caqli ogolaanaya in aragtiyo siyaasi ah iyo kala duwanaanshiyo fikir awgood uu fac kale u maro giraantii ayaandaran.
Waxaa xanuun igu haya qoysaska noloshoodii hadda uun yabyabtay, aabayaasha ubadkooda duruufaha adag ku korinayey, hooyooyinka agoonta haystay iyo jiilka dhan ee mar kale ay u bilaabatay meerto nololeed oo aan si fiican u garanayo xanuunkeeda.
LAASCAANOOD ALLAHAYOOW KA DHIG XERO NABADEED.
W/Q Kamaal Marjaan