Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi oo booqday dhaawacyadii ciidanka Somaliland ee dagaalka Laascaanood.

focus

Madaxweyne Biixi oo booqday dhaawacyadii ciidanka Somaliland ee dagaalka Laascaanood.

Madaxweyne Biixi oo booqday dhaawacyadii ciidanka Somaliland ee dagaalka Laascaanood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Galabta Kormeeray Laba Cusbitaal oo Kala Duwan.

Hargeysa-10-02-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka ee Birjeex.waxaanu inta badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Isla markaarna waxa u Madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladu waxwalba u hurayso daryeelkooda caafimaad. waxaana uu ugu duceeyay in illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle ka waraabiiyo.

Sidoo kale Madaxwaynhu waxa u cadeeyaay in geesiyaasha Qaranka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda caafimaadkooda ismalarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba.

Wa-bilaahi tawfiiq

More in focus

To Top