Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Ereteriya oo diiday in uu ka hadlayo xilliga ay ciidamadiisu si buuxda uga baxayaan Itoobiya

focus

Madaxweynaha Ereteriya Essayas Afawerke ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in ciidamada dalkiisu ay xadgudubyo geysteen xilliigii uu socday dagaalkii labada sano qaatay ee ka dhacay Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Ciidamada Ereteriya ayaa taageeray ciidamada Itoobiya ee la dagaalamayey TPLF , dagaalkaas oo ay ku baro kaceen in ka badan labo milyan oo qof.

Kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ciidamada Ereteriya ay ku kaceen xadgudubyo ballaaran oo ay ku jiraan xasuuq dad rayid ah iyo kufsi ka dhacay dhulka Tigray.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Nairobiayaa Efewerke waxaa uu diiday in uu ka jawaabo su’aal ku saabsaneyd xilliga ciidamada Ereteriaya ay si buuxda uga baxayaan Itoobiya.

Dalka Ereteriya wax doorasho siyaasadeed ah kama dhicin tan iyo markii uu xornimadiisa qaatay 1993di waxaana si joogto xabsiyada loo dhigaa dadka siyaasadiisa ka horjeesta.

More in focus

To Top