Connect with us

somalilandtoday.com

Mucaaradka Jabuuti oo ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle inuu taageero milatari siinayo Somaliland

focus

Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu ogaaday in saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ay yimaadeen Jabuuti.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in saraakiisha tagay Jabuuti ay wadeen dhambaal ka socday madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

Mucaaradka Jabuuti waxay sheegeen in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taageerada Jamhuuriyadda Jabuuti. Taageeradaas oo ku saabsan dagaalada dhex maraya ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa deegaanka Laascaanood.

Mucaaradka Jabuuti waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, inuu ogolaaday in taageero militari oo toos ah la siiyo ciidamada Somaliland ee dagaalka kaga jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

More in focus

To Top