Connect with us

somalilandtoday.com

“Cadho Walaal Waa La Baryaa, Dadka Reer Laascaanood Cadow Ma Aha Argagixiso-na Ma Aha…” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

focus

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xukumadda Somaliland iyo bulshada reer Laascaanood ugu baaqay in dagaalka la joojiyo.

“Waxa uu soo jeediyay in dhinacyadu is xakameeyaan islamarkaana arrintaasi laga dhawro cunfiga iyo wixii xaaladda uga sii daraya laguna soo noqdo macquulka iyo in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha lagu kala duwan yahay.

“Waxaanu leenahay xabbadi xal maaha qofka ku dhintaana waa kaa dhimay oo kugu dhimay, markaa ha la joojiyo wixii dagaal ah labada darafna ha u diyaar garoobaan wada hadal, dhacdo kasta oo darafyadu isku haleelaan waxaanu u aragnaa dagaal sokeeye, dagaal sokeeyena wakhtigiisii maaha waa wakhti aynu horumar u baahan nahay.

Ciidamada Qaranka waxaanu leenahay xaq baa u leedihiin in aad is difaacdaan laakiin, waa in aad iska ilaalisaan wax kasta oo u muuqda gacan siyaado ah iyo culays, kana fogaataan shacabka, maleeshiyaadka Beelaha ee meelaha ka gadooday waxaanu leenahay ha weerarina ciidamada Qaranka oo wixii daandaansi u muuqanaya iska ilaaliya meelihiina ku sugnaada.

Waxaanu ku baaqayna wada hadal, labada dhinacba miiska wada hadalka ha yimaaddaan, wixii tabasho ah iyo wixii la isla fahmi waayay in la isla eego oo laga wada hadlo ayaanu ku baaqayna oo la isu tanaasulo..”

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id

More in focus

To Top