Connect with us

somalilandtoday.com

Ukraine Iyo Ruushka Oo Maxaabiis Is Weydaarsaday

focus

Ukraine Iyo Ruushka Oo Maxaabiis Is Weydaarsaday

Ukraine Iyo Ruushka Oo Maxaabiis Is Weydaarsaday

(SLT-Moscow)-Dowladaha Ukraine iyo Ruushka, ayaa sameeyay is dhaafsigoodii ugu dambeeyay ee maxaabiista kaasoo noqonaya midkii labaad ee sannadkan ilaa iyo haatan.

Maamulka Kyiv, ayaa sheegtay in boqol iyo lix iyo toban ka mid ah askarteeda, la sii daayay. Maamulka Moscow, ayaa Iyana waxay sheegeen in saddex iyo lixdan ka mid ah shaqaalaheeda lasii daayay.

Madaxa shaqaalaha ee madaxweyne, Zelensky, ee (Andriy Yermak), ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ee la sii daayay ay ku jiraan ciidana difaacayey Mariupol, qayb ka tirsan Kherson, iyo kuwa wax toogta ee ka dagaalamayay Bakhmut, iyo sidoo kale laba qof oo hawlgalo gaar ah qaabilsanaa.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay in isweydaarsiga ay ku jiraan qaar kamid ah dad u dhsahey Ruushka, oo ay ku tilmaantay dowladda ‘kuwo aad muhiim ugu ah’, taasoo ay uga mahad celinayaan dhexdhexaadinta ay sameysay Imaaraadka Carabta.

Meydadka laba mutadawiciin ah oo British ah oo lagu dilay bariga dalka Ukraine bishii January, ayaa la helay, iyagoo qeyb ka ah maxaabiis ay is dhaafsadeen Ruushka.

Ma cayimin dowladda Ruushka, waxay sameeyeen dadkii dhex dhexaadiyey.

More in focus

To Top