Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaaradaha Dagaal Maraykanka Oo Soo Riday Buufin Basaas U Aheyd Shiinaha

focus

Diyaaradaha Dagaal Maraykanka Oo Soo Riday Buufin Basaas U Aheyd Shiinaha

Diyaaradaha Dagaal Maraykanka Oo Soo Riday Buufin Basaas U Aheyd Shiinaha

Diyaaradaha dagaal Maraykanka ayaa Sabtidii soo riday buufin looga shakisan yahay in Shiinuhu leeyahay oo soo gaadhay xeebaha gobolka South Carolina, toddobaad kadib markii ay soo gashay hawada Maraykanka.

Buufintan ayaa waxaa ka dhashay sheeko basaasnimo – iyo hadal heyn dadweyne, taas oo xumeysay xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu bixiyay amarka in lasoo ridoyo Arbacadii, laakiin waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa ku talisay in la sugo illaa inta lagu soo ridi karo biyaha badda, si looga ilaaliyo dadka rayidka ah burburka kusoo dhacaya dhulka iyo hawada ay ku duulaan diyaaradaha rakaabka ah.

“Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yidhi Biden.

Dhowr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa shidaalka siiya ayaa ka qaybqaatay howlgalkan, laakiin mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia ayaa ridday gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.

Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka militari ee lagu qaaday buufintan, iyaga oo sheegay in buufintan loo adeegsanayay arrimaha saadaasha hawada iyo arrimo kale oo la xidhiidha cilmibaadhis, taasoo ay ku sheegeen inay ku anbatay hawada Mareykanka “gabi ahaan si kama’ ah” – sheegashadaas oo ay si toos ah u beeniyeen saraakiisha Mareykanka.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in firidhka iyo hadhaaga buufintay uu ku fidday in ka badan toddoba mayl (11 kiilomitir) oo badda ah, waxaana goobta ku sugnaa maraakiib badan oo ciidamada Mareykanka ah.

More in focus

To Top