Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka Oo Gaadhay Dalka Masar

focus

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka Oo Gaadhay Dalka Masar

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka Oo Gaadhay Dalka Masar

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa Masar, iyo sidoo kale madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Mr Blinken la filayo in uu sidoo kale ka hadlo arrimaha gobolka sida Liibiya iyo Suudaan.

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa su’aal ka keenay sababta Masar ay u hesho in ka badan hal bilyan oo doollar oo gargaar millatari oo Mareykan ah sannad walba, iyadoo la eegayo xaaladda xuquuqaha ee dalkaas.

Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah ay la kulmaan xaalado adag iyo qolal maxaabiistu ay buux dhaafiyeen.

More in focus

To Top