Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaarihii Hore Ee UK Oo Sheegay In Uu Putin U Hanjabay

focus

Raysal Wasaarihii Hore Ee UK Oo Sheegay In Uu Putin U Hanjabay

Raysal Wasaarihii Hore Ee UK Oo Sheegay In Uu Putin U Hanjabay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain Boris Johnson ayaa sheegay in mar uu taleefoon kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, uu ugu hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo.

Ra’iisul wasaarihii xilligaas wuxuu sheegay in uu Putin ku yidhi  “hal daqiiqo oo kali ah ayey qaadan”.

Johnson wuxuu xusay in weedhan uu Putun adeegsaday ka dib markii uu kaga digay inta lagu guda jiro wicitaan telefoon oo “aad u dheer”  kaas oo isaga iyo Putin dhex maray bishii February 2022 in dagaalku noqon doono “musiibo ballaadhan”.

Johnson ayaa uga digay Putin in duullaanka Ukraine uu u horseedi doono cunaqabateyn reer galbeedku saaro Ruushka iyo ciidammada gaashaan buurta NATO oo la soo dhoobo xuduudaha Ruushka.

Waxa uu sidoo kale isku dayay in uu ka hor joogsado Putin tillaabo millatari isagoo u sheegay in Ukraine ayna ku biiri doonin NATO “mustaqbalka dhow”.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa yidhi: “Hal mar ayuu ii hanjabay oo igu yidhi wax la mid ah, ‘Boris, ma rabo in aan anigu ku dhaawaco, laakiin gantaalka waxay ku qaadan doontaa hal daqiiqo oo kaliya’.”

“Laakiin waxaan u maleynayaa in qaabkiisa dabacsan, is lurid la’aantiisa, uu uga jawaabayay isku dayga aan ku doonayey inaan ku qanciyo inuu gorgortan galo.”

Suurtagal ma aha in la ogaado in hanjabaadda Putin ay dhab tahay.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego weerarradii hore ee Ruushku ka fuliyey gudaha Britain – sida  kii ugu dambeeyay ee Salisbury ee 2018 – hanjabaad kasta oo ka timaada hoggaamiyaha Ruushka, si waliba oo uu kaftan ahaa loo yidhaa, ayaa u badan inay Johnson ku qasabto inuu hanjabaad dhab ah u qaato.

More in focus

To Top