Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil oo weerar ka fulisay gudaha dalka Iran

focus

Israa’iil oo weerar ka fulisay gudaha dalka Iran

Israa’iil oo weerar ka fulisay gudaha dalka Iran

Sarkaal Maraykan ah ayaa laga soo xigtay  in uu rumaysan yahay in Israa’iil ay ka dambaysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo habeen hore lagu qaaday warshad milateri oo ku taalla gudaha dalka Iran.

Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal oo soo xiganaya ilo aanu magcaabin oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay bidhaamiyey in Israa’iil ay ku lug lahayd weerarkaas.

Dowladda Iran ayaa sheegtay in ay ka hortagtay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo duqaymo ka geystey meel u dhow magaalada Isfahan ee ku taalla bartamaha dalkaasi, waxayna sheegtay in aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

Tehran, si rasmi ah cid uguma eedayn weerarkaas, hase ahaatee wasiirka arrimaha debedda ayaa ku tilmaamay weerar fulaynimo ah oo looga dan leeyahay in amni darro looga abuuro Iran.

More in focus

To Top