Connect with us

somalilandtoday.com

Tirada Dadka Shiinaha Oo Hoos U Dhacday Markii Ugu Horreysay Tan Iyo Sannadkii 1961-kii

focus

Tirada Dadka Shiinaha Oo Hoos U Dhacday Markii Ugu Horreysay Tan Iyo Sannadkii 1961-kii

Tirada Dadka Shiinaha Oo Hoos U Dhacday Markii Ugu Horreysay Tan Iyo Sannadkii 1961-kii

Hoos u dhac ayaa ku yimid tirada bulshada Shiinaha markii ugu horreysay muddo 60 sanno ah iyadoo diiwaanka carruurta dhalaneyso uu gaadhay heerkii ugu hoseeyay- tusaale 1000 qof waxay dhalaan 6.77 carruur ah.

Tirada bulshada Shiinaha sannadkii hore waxay gaadhay-1.4118 billion- tiradaas oo ka yar 850,000 qof tiradii la diiwaangeliyay sannadkii 2021-ka.

In muddo ah waxaa uu hoos dhacayay tirada carruurta Shiinaha, arrintaas oo keentay in isbaddal lagu sameeyo siyaasaddii ilma dhalidda lagu yareyanayay.

Markii ugu dambeysay uu hoos dhac yimaado tirada dadka Shiinaha waxay aheyd lixdamaadkii markaasoo uu dalkan la daalaa dhacayay dhibaatooyin ka dhashay macluul.

More in focus

To Top