Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeney Hore Uga Tirsanayd Baarlamaanka Afghanistan Oo La Toogtay

focus

Haweeney Hore Uga Tirsanayd Baarlamaanka Afghanistan Oo La Toogtay

Haweeney Hore Uga Tirsanayd Baarlamaanka Afghanistan Oo La Toogtay

Booliska Afgaanistaan ayaa sheegay in xildhibaan hore oo ka tirsaned baarlamaanka Afgaanistaan iyo ilaaladeeda lagu toogtay gurigeeda oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Mursal Nabizada, oo 32 jir ah, waxay ka mid ahayd dhowr dumar ah oo xildhibaanno ah oo ku sugnaa Kabul ka dib markii Taliban ay la wareegeen awoodda bishii Augousti 2021.

Marka laga yimaado dhimashada haweeneydan iyo mid ka mid ah raggii ilaalinayay waxaa sidoo kale weerarka lagu dhawaacay walaalkeed iyo askari labaad oo ilaalo u ahaa. Weerarka ayaa dhacay Axaddii shalay.

Afhayeenka booliiska Kabul Khalid Zadran ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baadhitaan dhab ah oo ku saabsan dhacdada.

More in focus

To Top