Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Dal-dashay Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Gaashaandhigga

focus

IRAN Oo Dal-dashay Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Gaashaandhigga

IRAN Oo Dal-dashay Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Gaashaandhigga

Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in Alireza Akbari oo u dhashay dalkaas heystana dhalashada Britain ayaa la dal-dalay kadib markii lagu eedeeyay in uu u basaasayay Britain.

Mr Akbari, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga Iran ayaa la xidhay sannadkii 2019-kii.

Wakaaladda wararka ee garsoorka Iran ee Mizan ayaa ku warrantay in Alireza Akbari la dal-dalay inkasta oo ayna sheegin wakhtiga iyo goobta uu ka dhacay xukunka dilka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Akbar ku tilmaamay mid fuleynimo ah isla markaana naxariis darro ah oo uu ka dambeeyo rajiimka Iran.

Dowladda Britain waxay hore uga codsatay mas’uuliyiinta Iran inay sii daayaan Mr Akbari, waxay ku tilmaantay xukunka dilka ah mid siyaasadeysan.

Iran waxay toddobaadkan baahisay muuqaalo muujinayay Akbari oo qirtay dambiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa u yeedhay ergayga Iran ee ku sugan magaalada Paris si uu u sheegaan sida ay ugu xun yihiin falkan dalkiisu geystay.

More in focus

To Top