Connect with us

somalilandtoday.com

Maxay Somaliland uga dhigantahay Hawlgalka Justificed Accord-23 ee ay Marti galindoonto?

focus

Maxay Somaliland uga dhigantahay Hawlgalka Justificed Accord-23 ee ay Marti galindoonto?

Maxay Somaliland uga dhigantahay Hawlgalka Justificed Accord-23 ee ay Marti galindoonto?

Hawlgalka Justified Accord oo 2017 soo bilaabmay ayaa ah layli ama carbis military oo kulmiya waddamo tirro badan oo African ah (khaas ahaan Geeska Africa) oo dannahoodu kala duwanyahiin. Carbiskan ayaa ujeedkiisu yahay in ladhiso, la iskuna dhafo awooda ciidamadaas iyo hanaanka xog is waydaarsiga technilogiyada, si ay u taageeraan hawlgalada Qaramada Midoobay iyo Kuwa Midawga Africa ee ka hawlgala Africa, si gaar ah ka hortaga iyo ladagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo gurmadka masiibooyinka.

Jamhuriyada Somaliland ayaa sannadkan ka mid ah waddamada marti galinaya Hawlgalka Justified Accord wajigiisa 23-aad kaas oo ka qabsoomi doona Berbera sida ay shaaciyeen Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Dawlada Maraykankuba. Carbiska ayaa ka koobnaan doona qayb layli dagaal toos ah, casharo, gurmadka caafimaad degdega ah ee ciidanka iyo ka hortaga weerarada interket-ka. Waxaana ka qayb galidoona ciidan lagu qiyaaso 800 oo ay ku jiraan labbo unug oo Maraykan ahi, kaas oo socondoonaa muddo laba usbuuc ku dhaw. Qayb kasta oo aynu kor kusoo sheegnay ayaa ka dhici doonta waddan gooni ah, mana cadda qaybta ay Somaliland marti galindoonto.

Hawlgalada military ee wadaaga ahi waa hanaan ka mid ah xidhiidhada dibloomaasiyadeed ee wadamada caalamka, iyada oo dhamaan wadamada ka qaybqaata ay ka faa’idaan aqoon military, is barasho, is dhexgal iyo isu soo dhawaasho siyaasadeed iyo wadamada oo midka ka kale fahmo qaabka hawlgalka ciidankiisa. Sidaas awgeed, arintan ayaa Jamhuuriyada Somaliland u noqonaysa guul dibloomaasiyadeed oo dhinaca siyaasada iyo militarygaba ah. Hadaynu sikale u dhigno arinkan ayaa Ciidamka soomaliland uga dhigan Aqoonsi Military. In kasta oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee ciidamada kala duwan ee Somaliland carbis wadaag ah la sameeyaan quwado shisheeye, haddana kan ayaa noqonaya kii ugu balaadhnaa.

Arrimaha xiisaha leh ee kujira arinta ayaa ah in Somalia ay ka qayb tahay carbiskan wadaaga ah. Arintan oo ku soo beegmaysa kadib markii usbuucii lasoo dhaafay ay dawlada Maraykanku saanad ciidan oo qiimaheedu yahay sagaal milyan (9 million) ku wareejisay dawlada Somalia, khaas ahaan ciidanka gaarka u tabobaran ee Danab ee la dagaalama Argagaxisada. Waxa aanay arintani noqondoona markii u horeeyay ee inta la’ogyahay hal goob isugu yimaadaan ciidamo ka socda Somaaliland iyo Somalia oo guluf siyaasadeed ka dhaxaysay 31 sanno ee lasoo dhaafay.

Walaahu Aclam.

Waxa qoray Maxamed Cabdixakiim

More in focus

To Top