Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab

focus

Mareykanka Oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab

Mareykanka Oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaadheysa 10-milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baadhista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baadhista Kenya ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xidhiidhan hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka eedeysane Maxamuud Cabdi Aden.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2” ayay tidhi safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.

Kooxda xidhiidhka la leh al-Qaacida ee Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii January, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

More in focus

To Top