Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamada Dawlada Maraykanka oo dhoolatus Milatari ka samaynaya Somaliland.

focus

Ciidamada Dawlada Maraykanka oo dhoolatus Milatari ka samaynaya Somaliland.

Ciidamada Dawlada Maraykanka oo dhoolatus Milatari ka samaynaya Somaliland.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka, ayaa komeer ku tegay Dekedda Berbera, halkaas oo ay u kuur galeen xaaladdeed iyo Qorshe ay wadaan oo ay doonayaan In ay fuliyaan bisha dambe.

Saraakiishan oo ka socday Ciidanka Isku-dhafka ah ee Maraykanka ee Geeska Afrika ee loo soo gaabiyo (CJTF-HOA), ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay In ay tahay indho indhayn la xidhiidha Dhoola tus caalami ah oo Ciidamada Mareykanku ka samaynayaan Waddamo ay Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin Botswana, Djibouti, Kenya, Rwanda, iyo Uganda.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Geeska Afrika iyo dalka Yemen Jeneraal Jami Shawley ayaa booqasho ku tagtay dekedda Magaalada Berbera 20 bisha December ee sannadkii aynu soo dhaafnay.

More in focus

To Top