Connect with us

somalilandtoday.com

Dal Carbeed Oo Soomaaliya Siiyey 450 Deeq Waxbarasho

focus

Dal Carbeed Oo Soomaaliya Siiyey 450 Deeq Waxbarasho

Dal Carbeed Oo Soomaaliya Siiyey 450 Deeq Waxbarasho

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 oo deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya, kadib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxeexday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo isugu jira cilmi iyo xirfado kala duwan oo heer jaamacadeed ah, oo gaadhaya 450 arday.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Faarax uu dowladda Masar uga mahad celiyay deeqahaan waxbarasho iyo garab istaagga weyn oo ay u fidiso ardayda Soomaalida.

“Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar,” ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku imaan doonto tartan iyo imtixaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top