Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Kenya Oo Aqoonsatay Somaliland

focus

Dowladda Kenya Oo Aqoonsatay Somaliland

Dowladda Kenya Oo Aqoonsatay Somaliland

(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland oo hadda ay ula macaamileyso sida dal madax-banaan oo kale.

Amar madaxweyne oo kasoo baxay madaxweynaha dalkaas William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad ka furaneyso Somaliland, taasi oo qeyb ka ah isku day lagu ballaadhinayo howlgallada diblomaasiyadeed ee Kenya ee dalalka kale ee caalamka.

Amarkan, oo tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa safaarado ama qunsuliyado lagaga furi doonaa magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa.

Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.

More in focus

To Top