Connect with us

somalilandtoday.com

Ciyaartooy Soomaali Ah Oo Waxbarasho Bilaash Ah Ka Helay Jaamacado Ku Yaala Dalalka Canada Iyo Mareykanka

focus

Ciyaartooy Soomaali Ah Oo Waxbarasho Bilaash Ah Ka Helay Jaamacado Ku Yaala Dalalka Canada Iyo Mareykanka

Ciyaartooy Soomaali Ah Oo Waxbarasho Bilaash Ah Ka Helay Jaamacado Ku Yaala Dalalka Canada Iyo Mareykanka

Lix dhallinyaro ah oo Soomaali ayaa deeq waxbarasho ka helay jaamacado ku yaalla wadamada Mareykanka iyo Canada, kuwaas oo la sheegay in lagu xushay kubadda cagta oo ay ku wanaagsan yihiin.

Dhalinyarada ayaa la sheegay inay u cayaari doonaan kubadda cagta Jaamacadaha ay ka heleen deeqda Waxbarasho, waxaana lixdooda saddex ka mid ah deeqda waxbarasho ay la ka heleen Jaamacado ku kala yaalla dalka Mareykanka, halka sadaxda kalana ay ka heleen Jamaacado ku yaalla magaalada Toronto ee dalka Canada.

Sadax ka mid ah lixdaan dhalinyarada ah ayaa sannadkii lasoo dhaafay usoo ciyaaray xulka Soomaaliya ee 17- jirada ah, sida uu VOA-da u sheegay Cabdirashiid Xasan Xirsi oo loo yaqaano Bakin, kaasoo ah guddoomiyaha naadiga Semkey oo ah kooxda soo saartay dhallinyaradaan.

“Lixdaan dhalinyarada ah waxay ka mid yihiin dhalinyarada aan soo saarnay oo aan waqtiga badan ku bixinay, waan ku faraxsanahay in maanta dhalinyaradeena kasoo muuqdaan ciyaaraha dalalka Mareykanka iyo Canada, hada waxaa mid ka mid ah dhalinyaradaan uu ku biiray xulka qaranka dalka Canada ee ka yar 20 jirada” ayuu yidhi guddoomiye Cabdirashiid Xasan Xirsi Bakin.

More in focus

To Top