Connect with us

somalilandtoday.com

2 Dumar Ah Oo Geeriyooday Kadib Markii Uu Gaadhi  Ku Jiidhay Wadada U Dhaxaysa Sheekh Iyo Burco

focus

2 Dumar Ah Oo Geeriyooday Kadib Markii Uu Gaadhi  Ku Jiidhay Wadada U Dhaxaysa Sheekh Iyo Burco

2 Dumar Ah Oo Geeriyooday Kadib Markii Uu Gaadhi  Ku Jiidhay Wadada U Dhaxaysa Sheekh Iyo Burco

2 dumara ayaa geeriyooday kadib markii uu baabuur ku jiidhay deegaanka Galloolay, oo dhaca wadada u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Somaliland.

Dhinaca kale, dirawalkii  baabuurka haweenka jidhay waday, ayaa dhaawacyo soo gaadheen, kadib markii uu rogmaday baabuurkii baabuurkiisu, markii uu dumarka jiidhay.

Maydka dumarka dhintay iyo dhaawaca dirawalka waday baabuurka haweenka jiidhay, ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Sheekh  halkaasi oo dhaawaca dirawalka lagula tacaalayo.

Shilalka baabuurta ayaa sannadkasta galaafta nolosha boqollaal qof oo reer Somaliland ah, sannadkii lasoo dhaafay oo kali ah 5,829 shil ayaa ka dhacay Somaliland, waxaana ku nafwaayay 148 qof, halka 3,944 oo qofna ay ku dhaawacmeen sida uu booliisku sheegay.

Xukuumada Somaliland ayaa marar badan isku dayday in ay dhinto xawaaraha sare ee ay baabuurtu ku socdaan si shilalka loo yareeyo, lakiin isku daygaas ayaan wali guulaysan.

More in focus

To Top