Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramada Midoobay Oo ICJ U Dirtay Codsi Ku Aaddan Dhulka Falastiin Ee Ay Qabsatay Israa’iil

focus

Qaramada Midoobay Oo ICJ U Dirtay Codsi Ku Aaddan Dhulka Falastiin Ee Ay Qabsatay Israa’iil

Qaramada Midoobay Oo ICJ U Dirtay Codsi Ku Aaddan Dhulka Falastiin Ee Ay Qabsatay Israa’iil

Maamulka falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay codbixin uu golaha guud ee qaramada midoobay kaga codsanayo maxkamada caalamiga ah ee cadaalada inay fikrad sharci ka bixiso qabsashada Israel ee dhulka falastiiniyiin.

Afhayeen u hadlay Falastiin, oo lagu magacaabo Maxamuud Cabbaas, ayaa sheegay in la gaadhay xilligii Israa’iil ay hoos imaan lahayd sharciga, isla markaana lala xisaabtami lahaa.

87 waddan ayaa taageeray qaraarka Jimcihii oo ay ku jiraan Ruushka, Shiinaha iyo dalal Muslimiin ah.

Mareykanka, Britain iyo Jarmalka ayaa ka mid ahaa dalakii diiday, iyagoo mooshinka ku tilmaamay mid aan faa’iido lahayn.

Xukuumadda cusub ee Israa’iil oo la dhaariyay toddobaadkan ayaa abuurtay walaac, iyadoo qaar ka mid ah wasiirrada xisbiyada midigta fog ay muujiyeen aragtiyo xooggan oo ka dhan ah Carabta.

More in focus

To Top