Connect with us

somalilandtoday.com

Dacwad Oogaha Britain Oo Dalbaday In Dacwad Lagu Soo Oogo Madaxweynaha Dalka Ruushka

focus

Dacwad Oogaha Britain Oo Dalbaday In Dacwad Lagu Soo Oogo Madaxweynaha Dalka Ruushka

Dacwad Oogaha Britain Oo Dalbaday In Dacwad Lagu Soo Oogo Madaxweynaha Dalka Ruushka

Dacwad oogaha Britain, oo hoggaaminayay dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha Serbia, Slobodan Milosevic, ayaa dalbaday in madaxweyne Putin-ka Ruushka lagu maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee uu ka geystay dalka Ukraine, sanadkan.

Geoffrey Nice, ayaa BBC-da u sheegay in kiiska ka dhanka ah Putin ‘uu yahay mid waadix ah’, isaga oo sheegay in uu galay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Wuxuu intaa ku daray inuu mas’uul ka yahay duqeymaha goobaha dadka rayidka ah.

Dowladda Ruushka, ayaa waxa ay sheegtay inaanay beegsanayn ciidamadeeda dadka rayidka ah.

Geoffrey Nice, ayaa su’aal galiyay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay ka caga jiideyso inay dacwad ku soo oogto Putin.

Inkastoo ay baadhayso dambiyada ka dhacay Ukraine, haddana, sababta ayaa lagu sheegay iney tahay suurtagal in laga cafiyo Putin dambiyada, taasoo qayb ka ah heshiis nabadeed oo suurtagal ah.

Maxkamadda, ayaa iska fogeysay wararkaas la isla dhex marayo.

More in focus

To Top