Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaa Ka Jira In Ciidamada Ereteriya Ay Ka Baxayaan GobolkaTigray?

focus

Maxaa Ka Jira In Ciidamada Ereteriya Ay Ka Baxayaan GobolkaTigray?

Maxaa Ka Jira In Ciidamada Ereteriya Ay Ka Baxayaan GobolkaTigray?

Goobjoogeyaal ku sugan gobolka woqooyiga Itooobiya ee Tigray ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Ereteriya ay ka baxeen goobo halkaa ay ka heysteen iyagoo tagay dhinaca xuduuda .

Bishii hore heshiiskii nabadeed ee dhacay ayaa ujeedadiisu aheyd in la dhammeeyo dagaal sokeeye oo qaatay labo sanno waxaa lagu go’aamiyey in dhammaan ciidamada shisheeyaha ay ka baxaan Tigray.

Kumanaan askarta Ereteiya ayaa ka dhinac dagaalamay dowladda Itoobiya waxaana lagu eedeeyey in ay xadgudubyo baahasan geysteen.

Dadka goob joogeyaasha ah ayaa BBCda u sheegay in ay arkeen baabuur waaweyn oo askar wadda ay ka soo baxayeen magaalada Axum iyagoo ku sii jeeda magaalada Sheraro , ma cadda haddii in si guud ay ciidamada Ereteriyau baxayeen .

Dadka deggan degaanka Shire oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweynayaa u sheegay BBcda in ay arkeen gaadiid wada ciidamada Ereteriya.

Saraakiisha Tigray ayaa sheegay in ay doonayaan ka bixitaaanka ciidamada Ereteriya iyo kuwa ka yimid gobolka ay deriska yihiin ee Amhara

Iyagoo la rajeynayo in iyagana ay hubka dhigaan sida uu qorayo heshiiska nabadeed.

More in focus

To Top