Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Ugu Sarraysa Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday Go’aan Ay U Dheg Taagayeen Dadka Tahriibka Ku Gala Dalkaas

focus

Maxkamadda Ugu Sarraysa Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday Go’aan Ay U Dheg Taagayeen Dadka Tahriibka Ku Gala Dalkaas

Maxkamadda Ugu Sarraysa Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday Go’aan Ay U Dheg Taagayeen Dadka Tahriibka Ku Gala Dalkaas

Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go’aan ay soo saartay ku xoojisay sharci xiligii Trump shaqaynayey, kaas oo ka hor istaagay kumannaan magan-galyo doon ah inay ka gudbaan xadka Mexico iyo Maraykanka.

Sharcigan oo lagu magacaabo ( title 42) ayaa laamaha ammaanka awood u siinaya inay celiyaan dadka sida sharci darrada ah u doonaya inay uga tallaabaan xadka Mexico iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ee hadda xilka haya ayaa soo jeediyey in sharcigan aan lagu dhaqin dadka magangalayo doonka ah, hase ahaatee waxaa ka biya diiday dadka kasoo hor jeeda in soo galootiga xadka loo furo.

Biden ayaa markii dambe soo jeediyay in sharcigani u shaqeeyo balse isbaddal lagu sameeyo.

Go’aankan ayaa ka cadhaysiiyey qolyahay u dhaqdhaqaaqa soo galootiga, kuwaas oo hore u gudbiyey dacwad ka dhan ah sharcigan iyagoo ku tilmaamay inuu ka hor imaanayo mas’uuliyadda caalamiga ah ee u oggolaanaysa in dadka ay helaan magan-galyo.

Hase ahaatee dadka sharcigan taageersan iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta bulshooyinka xadka deggan ayaa  ku dooday in haddii la qaado xeerarkan ay dadku kasoo buuxsamayaan xadka iyagoo khatar galinaya ilaha nololeed ee gobollada xadka ku yaalla.

More in focus

To Top