Connect with us

somalilandtoday.com

Erdogan Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Israa’iil Ee Turkiga

focus

Erdogan Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Israa’iil Ee Turkiga

Erdogan Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Israa’iil Ee Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga salaasadii, iyadoo labada dal ay wanaajiyeen xidhiidhka ka dhexeeya sannado xiisad ah kadib.

Turkiga iyo Israa’iil ayaa billaabay inay hagaajiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin kadib booqashooyin heer madaxeed ah sannadkan oo uu ku jiro booqashadii madaxweynaha Israel Isaac Herzog ee Ankara, waxayna ku heshiiyeen inay wada magacaabaan safiiro.

Labadan dal ayaa ku heshiiyay “in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa marxalad cusub oo xidhiidh ah” oo ku saleysan ixtiraamka danaha labada dhinac.

Irit Lillian, oo aheyd ku simaha safiirka Israel u qaabilsanaa Ankara tan iyo January 2021, ayaa noqotay safiirka cusub, kadib markii ay warqadaha kalsoonida u gudbisay Erdogan.

Labadan dal oo mar ahaa xulufada iskugu dhow gobolka, ayaa muddo ka badan 10 sanadood xidhiidhkoodu ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoo Ankara ay eriday safiirkii Israel kadib markii 2010-kii ay Israa’iil weerar ku qaaday markab gargaar u siday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen 10 muwaadin oo Turki ahaa.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labadan dal ayaa dib loo soo celiyay sannadkii 2016-kii, balse labo sanno kadib Turkiga ayaa u yeedhay safiirkiisii Israel, isla markaana ceyrisay ergaygii Israel, markii ciidamada Israel ay dileen tiro Falastiiniyiin ah oo ka qeyb qaatay banaanbaxyo ka dhacay Marinka Gaza.

More in focus

To Top