Connect with us

somalilandtoday.com

Rabshado Ka Dhacay Paris Kadib Markii La Dilay Saddex Qof Oo Kurdi Ah

focus

Rabshado Ka Dhacay Paris Kadib Markii La Dilay Saddex Qof Oo Kurdi Ah

Rabshado Ka Dhacay Paris Kadib Markii La Dilay Saddex Qof Oo Kurdi Ah

(SLT-Paris)-Nin hubeysan ayaa Jimcihii saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo makhaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, badhtamaha magaalada Paris, taasi oo dhalisay dibad-baxyo rabshado wata.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay.

Sida uu sheegay Golaha Dimqoraadiga Kurdiyiinta ee Faransiiska (CDK-F), dadka dhintay ayaa kalaa ah haweeney iyo laba nin.

Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa suntan dadka ka ilmeysiisay ku furay dibadbaxayaal cadheysan oo isugu soo baxay meel u dhow halka toogashada ay ka dhacday.

Dibad-baxayaasha ayaa walxo ku tuuray booliska ayaga oo si cadhaysan u qaylinaya, waxayna weerarka u arkaan mid ula kac ah oo ciidammada ammaanka Faransiiska ayna wax badan ka sameyn sidii looga hortagi lahaa.

Baabuur dhowr ah oo goobta yaallay iyo gawaadhida booliska ayaa daaqadahooda la burburiyey ayada oo dibad-baxayaasha ay tureen dhagxaan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay xidheen nin 69 jir ah, oo dacwad-oogaha Paris Laure Beccuau uu sheegay in hore xabsiga looga sii daayey isaga oo sugaya maxkamadeynta weerar sannad kahor ka dhacay xero muhaajiriinta ay ku nool yihiin oo ku taalla Paris.

Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayey nin caddaan Faransiis ah oo isaga oo garbo duub u xidhan laga qabtay goobta weerarka.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay in ninka weerarka gaystay oo magaciisa lagu sheegay William M. uu dambi-baadhayaasha u qirtay inuu yahay cunsuri.

Hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ku baaqay in bulshadooda ay helaan ilaalin wanaagsan, codsigan oo sidoo kale ay jeediyeen markii 10 sanno kahor sidoo weerar lagu dilay saddex haween oo Kurdi ah.

More in focus

To Top