Connect with us

somalilandtoday.com

Markabkii ugu weynaa abid oo Mareykanku leeyahay ayaa ku soo xidhay Dekedda Berbera

focus

Markabkii ugu weynaa abid oo Mareykanku leeyahay ayaa ku soo xidhay Dekedda Berbera

Markabkii ugu weynaa abid oo Mareykanku leeyahay ayaa ku soo xidhay Dekedda Berbera

Markabka APL NEW YORK (IMO: 9597484) oo dhererkiisu yahay 328 mitir, ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee abid ku soo xidha Berbera.

Markabkan oo xambaarsanaa “8000+ TEU”, ayaa shalay ku soo xidhay Dekadda Berbera, waxana lagaga dejiyey 900 oo kontaynar, kuwaas oo ay ka wakiil ka aheyd shirkadda CMA/CGM, Berbera.

APL NEW YORK oo qaadkiisu yahay “9,200 TEU”, sabbayn karana marin guntiisu tahay 16+ meter, ayaa maalmo ka hor ka soo shiraacday Dekadda Jeddah, qeybta DP World. Wuxuna u gudbi doonaa Dekadda Jabel Ali, Dubai.

Markabkan ayaa ah 9 jir ku badmaaxa calanka Singapore ??. Waxana iska leh shirkad Maraykan ah oo hoos timaada “CMA/CGM Group” oo ka mid ah seddexda shirkadood ee ugu waaweyn aduunka ee ka shaqeeya xamuulka/daabulida container-da.

© Abdirahman Mohamed Ibrahim

More in focus

To Top