Connect with us

somalilandtoday.com

“Aragtida Waalida Ah Ee Ah In Si Toos Ah Loo Soo Doorto Ururo Siyaasadeed Waxa Ay Khatar Ku Tahay Jiritaanka Somaliland…” Faysal Cali Waraabe

focus

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waali ku tilmaamay talaabada ay xukuumadu ku doonayso in lagu galo doorashada ururada.

Faysal ayaa sheegay in talaabadani ayna khatar ku ahayn xisbiyada mucaaradka ah, lakiin ay khatar ku tahay jiritaanka Somaliland, isagoo madaxweynaha ku eedeeyay in uu Somaliland burburinayo.

“Aragtida waalida ah ee ah in si toos ah loo soo doorto ururo siyaasadeed oo aan hore loo arag, maaha mid khatar ku ah xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah balse waxay khatar ku tahay jiritaanka Somaliland, Muuse wuxuu ku socdaa wadadii burburka Somaliland” ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa aad uga soo horjeeda in lasoo hormariyo doorashada ururada siyaasada, taasi oo sababtay in xisbiyadu ay kalsoonida kala noqdaan xukuumada Somaliland.

Dhinaca kale, xukuumada ayaa ku adkaysanaysa in doorashada ururadu ay soo horayso, isla markaana doorashadii madaxtooyada ayaa dib loo dhigay.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top