Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Saxeexay Heshiis Hub Lagaga Iibinayo Qatar, Intii Ay Socotay Ciyaartii USA Iyo IRAN

focus

Maraykanka Oo Saxeexay Heshiis Hub Lagaga Iibinayo Qatar, Intii Ay Socotay Ciyaartii USA Iyo IRAN

Maraykanka Oo Saxeexay Heshiis Hub Lagaga Iibinayo Qatar, Intii Ay Socotay Ciyaartii USA Iyo IRAN

Dawladda Maraykanka ayaa ansixisay in dalka Qatar laga iibiyo hub gaadhaya illaa $1 bilyan oo dollar, waxaana arrintan la shaaciyey intii lagu guda-jiday wakhtiga nasashada ee ciyaarta koobka adduunka ee dhex martay xulalka Maraykanka iyo Iran, taas oo ku soo dhamaatay in xulka Maraykanku uu hal gool kaga badiyo xulka Iran.

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay saxiixday heshiis hub lagaga iibinayo dalka Qatar, taas oo ay ku jiraan illaa 10 kamida hannaanka difaaca ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan.

Qatar iyo dalalka kale ee ku yaalla Gacanka Carabta ayaa daandaansi kala kulma dalka Iran iyo xulafadeeda.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan iibka Hubku inuu taageerayo “siyaasadda arrimaha debedda iyo amniga qaranka ee Maraykanka, iyada oo gacan ka geysanaysa hagaajinta ammaanka dalalka saaxiibka la ah [Maraykanka], waxaana arrintani ay gacan ka geysanaysaa inay ahaadaan awood muhiim u ah xasillonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaalaha ee bariga dhexe”.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadani ay wanaajin doonto awoodda dalka Qatar uu kula tacaali karo khataraha haatan jira iyo kuwa mustaqbalkaba.

AP

More in focus

To Top