Connect with us

somalilandtoday.com

Qatar Oo $10 Bilyan Siineysa Turkiga

focus

Qatar Oo $10 Bilyan Siineysa Turkiga

Qatar Oo $10 Bilyan Siineysa Turkiga

(SLT-Doha)-Turkey iyo Qatar ayaa ku guda jira marxaladdii ugu dambeysay wadahadallo ay Doha ku siineyso Ankara $10 bilyan oo maal-gelin ah, oo ay ku jirto $3 bilyan oo la siinayo kahor dhammaadka sannadka, waxaa sidaas Reuters u sheegay saraakiil Turkish ah.

Maalgelintan dibadeed ayaa gacan ka gaysan karta xoojinta keydka lacagta qalaad ee Turkey, ayada oo madaxweyne Erdogan uu wado siyaasadeed aan caadi aheyn oo lagu dhimayo dulsaarka, inkasta oo sicir-barar xooggan uu dalka ka jiro, islamarkaana qiimaha lacagta Lira ay hoos usii dhaceyso.

Wasaaradda maaliyadda Turkey ayaan weli ka hadal maalgelinta Qatar. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doha ayaan ka jawaabin codsi jawaab oo loo diray.

Ayada oo dalalka Reer Galbeedka ay ka cago jiidayaan maalgashiga Turkey, Ankara ayaa u weecatay dalalka “saaxiibka” la ah, si ay u xoojiso siyaasadda lagu taageerayo lacagta lira ah, laguna dheelitirayo dhaqaalaha.

Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa horey Qatar ula saxiixday heshiis lacag is-dhaafsi, oo markii hore ahaa $5 bilyan balse sanadkii 2020 gaaray $15 bilyan.

“Wadahadallo ay Qatar taageero ku siineyso Turkey ayaa gaaray heerkii ugu dambeeyey. Ugu yaraan waxaa noo muuqda $8 bilyan, balse waxay gaari kartaa 410 bilyan,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan ka hadlo.

Qatar ayaa xiriir xooggan la leh Turkey, oo taageertay Doha markii Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale oo Carbeed ay go’doomiyeen 2017.

Erdogan ayaa ku sugnaa furitaanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee Qatar, ayada oo uu wehliyey wasiirka maaliyadda Nureddin Nebati.

More in focus

To Top