Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Oggolaatay In La Baadho Khaladaadka Maaliyadeed Ee Lagu Eedeeyay Trump

focus

(SLT-Washington)-Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa salaasadii shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada.

Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sanno ah oo, ay ku jirto afarti sanno ee uu madaxweynaha ahaa.

Trump ayaa dhammaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baadhitaanka canshuur celinta Trump.

Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo kaliyah.

Wali wax falcelin ah kama soo bixin dhanka Trump.

More in focus

To Top