Connect with us

somalilandtoday.com

Khasaaraha Ka Dhashay Dhulgariir Ka Dhacay Dalka Turkiga

focus

Khasaaraha Ka Dhashay Dhulgariir Ka Dhacay Dalka Turkiga

Khasaaraha Ka Dhashay Dhulgariir Ka Dhacay Dalka Turkiga

(SLT-Istanbul)-Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhuftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof.

Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan looga dareemay.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 — taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1 ee ay bixisay hay’adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka.

Waxa uu ka dhacay degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin kale oo u dhow.

“Waxaa kusoo toosnay sawaxan iyo gariir weyn,” ayay AFP u sheegtay Fatma Colak oo degan Duzce.

“Waxaan kasoo baxnay guryahayagii annagoo argagaxsan, hadda waxaan ku suganahay bannaanka.” ayay raacisay.

Wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak.

Turkigu ayaa ku yaalla mid ka mid ah goobaha ay ugu badan yihiin dhulgariirka adduunka.

Duzce ayaa ahayd goobtii uu ku dhuftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.4 sanadkii 1999-kii – oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Turkiga tobannaan sanno.

Dhulgariirkaas yaa dilay in ka badan 17 kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad kun qof oo ku dhintay Istanbul.

More in focus

To Top