Connect with us

somalilandtoday.com

Mozambique Oo Markii Ugu Horreysay Gaas U Dhoofineysa Yurub

focus

Mozambique Oo Markii Ugu Horreysay Gaas U Dhoofineysa Yurub

Mozambique Oo Markii Ugu Horreysay Gaas U Dhoofineysa Yurub

(SLT-Hargeysa)-Dalka Mozambique ayaa bilaabay in markii ugu horreysay uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub, madaxweynaha dalkaas Felipe Nyusi ayaa ku timaamay tallaabo taariikhi ah.

Waxaa gaaskan oo saartay warshad ay maamusho shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo lagu magacaabo Eni balse shirkadda weyn ee shidaalka ee British BP ayaa ku guuleystay xuquuqda iibsiga gaaskan.

Gaaskan ayaa waxaa lagu qaaday Markab xamuulka qaada oo laga leeyahay Britain kaasoo ku waajahan Yurub balse lama ogo halka si rasmi ah loo geynayo.

Mozambique ayaa ku rajo weyn inay kamid noqoto dalalka adduunka ugu horreeyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shidaal laga helay gobolka Cabo Delgabo sannadkii 2010-kii.

More in focus

To Top